Duqeyn lagu diley sarkaal ka tirsan Alshabaab deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose

Dowlada Federalka ayaa sheegtay in howlgal qorsheysan ee ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab ka fuliyeen nawaaxiga degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeellada Hoose ay ku dileen horjooge ka tirsan ururka Alshabaab.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in sarkaalka duqeynta lagu dilay uu u qaabilsanaa qaraxyada gobolka Sh/hoose,magaciisana lagu soo koobay Liibaan, halka magaca Afgarashada Alshabaabna uu ahaa Yacquub.

Howlgalka oo ahaa duqeyn dhanka cirka ah ayaa lagu beegsaday goob la sheegay in ay isku uruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo qorsheynayay in ay weeraro ku soo qaadaan fariisimaha ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin gobolka Shabeelladda Hoose.

Dhawaan ayaa howlgal qorsheysnaa oo ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ay ka fuliyeen degmada Kuntuwaarey waxaa la sheegay inay ku dileen horjoogayaal iyo maleeshiyaad Alshabaab ka tirsan,sidoo kale waxaa ay siidaayeen dad shacab ah oo alshabaab maxaabiis ahaan ay u hayeen.

Maraykanka ayaa sidoo kale ka hadlay duqeyntan iyadoo taliska ciidamada AFRICOM uu sheegay in ay duqeytan ay baaritaan ku sameeyn doonaan in waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.