Puntland oo beenisay in Markab lagu afduubtay xeebaha Puntland

Maamulka Puntland ayaa beeniyay in markab marayay xeebaha Puntland lagu afduubtay gobolka Gardafuu iyadoo ay ka hadleen wasiirka kalluumeysiga Puntland iyo Guddoomiyaha gobolka Gardafuu.

Wasiirka Kalluumeysiga Maamul Goboleedka Puntland Maxamuud Xaaji Saalax ayaa sheegey in aan la afduubin markaba balse markab cillad soo wajahday awgeed uu ugu soo dhowaaday xeebta magaalada Bareda.

Wasiirku wuxuu sheegey in markabku uu muddo saddex maalmood ah joogay xeebta, ayna ka shakiyeen, isla markaasna dowladdu u dirtay askarta si ay u hubiyaan.

Sidoo kale guddoomiyaha gobolka Gardafuu ayaa beeniyay inmarabka la afduubtay waxaana uu sheegay inmarkabka ay ka shakiyeen loona direy ciidamo Boolis ah balse ciidamadii ay ka soo degeen markabka marka ay ogaadeen inaysan jirin wax dhib ah oo aan ka ahayn cillad soo wajahday.

Wakaalada wararka Reuters ayaa daabacday in markabkan oo ku sii jeeday magaalada Muqdisho la afduubtay.