Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dib ugu laabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii uu magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galay Shirkii Wadatashiga Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, inkastoo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa soo laabashadiisa Caasimadda ku soo aaday sanad kaddib markii xilka magacaabay maanta oo kale sanadkii hore.

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin Maamulka Sare ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaal iyo qaar ka mid ah Agaasimayaasha Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ka mid ahaa saxiixayaasha Heshiiskii Hannaanka doorashada, waxaana Gobolka Banaadir uu ka mid ahaa Xubnihii qeybta ka ahaa Guddiga Farsamada.