Madasha Xisbiyada Qaran oo soo dhoweeyay Heshiiskii lagu gaaray Shirkii Dhuusamareeb 3

Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa loogaga hadlay aragtida Madasha ee Gunaanadka Shirkii Dhuusamareeb 3 oo ay ka qeyb galeen Madaxda DF, dowlad goboleedyada qaarkood iyo maamulka gobolka Banaadir.

Qoraalkan ayaa si taxadar leh waxa ay madasha u soo dhoweysay go’aanadii ka soo baxay shirka iyadoo sal uga dhigtey in mabda’ii madasha ee ahaa in doorasho waqtigeeda ku dhacdo la qabto iyo in ay xisbiyada ka qeybgalaan doorashada lagu go’aamiyay shirka.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu sheegay in Shirkii Dhuusmareeb 3 hannaanka doorashada ee ka soo baxay uu yahay tallaabo loo qaaday dhinaca saxda ah si loo qabto doorasho ku dhacda waqtigeeda oo loo dhan yahay.

Si kasta ha ahaatee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa aaminsan in heshiiska Dhuusamareeb 3 uu weli u baahan yahay dhameystir wada-ogol ah sidii horey loogu madlanaa, ayna muhiim tahay in laga qeyb geliyo dhinacyada ka maqan.

Hoos ka akhriso qoraalka Madasha ay ka soo saartay Shirka Dhuusamareeb 3