Madaxweynaha Koofurgalbeed oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Maamulka Koofurgalbeed.

Laftagareen iyo xubnaha wafdigiisa ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho kadib markii ay dhowaan ka soo laabteen shirkii arrimaha doorashooyinka oo ka dahcay magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga madaxweynaha ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Madaxweynaha Koofurgalbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa inta uu ka maqnaa magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay weeraro ay ka geysteen deegaano hoostaga gobolka Bay dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab iyadoo weeraradaasna ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac.