Ninkii ugu da’ada weynaa Caalamka oo dhintay

Nin u dhashay dalka Koofur Afrika oo loo malaynayo inuu yahay qofkii ugu da’ada weynaa ee caalamka ayaa geeriyooday isagoo 116 sano jir ah.

Fredie Blom ayaa dukumintiga aqoonsigiisa waxaa ku qornaa inuu ku dhashay gobolka Eastern Cape bishii May 1904,inkastoo buugga lagu qoro rikoorada caalamka Guinness World Records uusan aqoonsanayn.

Dhammaan qoyskii Mr Blom ayaa markii uu dhowr iyo toban sano jir ahaa ayaa waxaa diley cudur dilaacay sanadkii 1918,balse waxaa uu ka soo badbaaday ninkan labadii dagaal ee dunida soo maray iyo weliba midabtakoorkii ka jirey dalkiisa.

Mr Blom ayaa u sheegay saxaafada inaysan jirin wax gaar ah oo uu ku helay cimriga dheer sanadkii 2018kii.

Ninkan ayaa waxa uu intiisa badan noloshiisa ku dhamaystey shaqaalenimo isagoo ka soo shaqeeyay beer kadibna warshad dhisme waxana uu shaqada ka fariistay markii uu 80 sano jir ahaa.

Qoyska Mr Blom ayaa sheegay inuusan u dhiman cudurka Coronaha balse si caadi ah uu u geeriyooday.