Wasiirka Xanaanada Xoolaha Maamulka Jubbaland oo shaqo joojin lagu sameeyay

Madaxweyne Ku xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa shaqadii ka Joojiyay Wasiirkii Xanaanada Xoolaha ee maamulkaasi Maxamed Xasan Maxamed kadib markii uu ku eedeeyay Ku takrifal Maaliyadeed.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Wasaarada Maaliyadda Jubbaland ay soo gudbisay in Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Jubbaland uu ku dhaqaaqay ku takri fal maaliyadeed.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in baaritaan lagu sameyn doono eedeymaha loo soo jeediyay wasiirka.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka shaqada loogaga joojiyay wasiirka Xanaanada xoolaha Jubbaland