Xisbiga Wadajir oo heshiis qabyo ah ku tilmaamay heshiiskii Dhuusamareeb 3

Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada ugu weyn ee Mucaaradka ayaa war ka soo saaray heshiiskii doorasho ee ay Dhuusamareeb ku gaareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaasoo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland.

War saxaafadeedka Xisbiga ayaa lagu sheegay in Heshiiska uu yahay mid qabyo ah  oo ay ka maqan yihiin Dowlad goboleed iyo saamiley kale oo saameyn ku leh siyaasadda, kuwaas oo aan looga maarmin fulinta iyo meel marinta heshiiska.

Xisbiga ayaa soo jeediyay in Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda kale ee siyaasadda ee aan qeybta ka aheyn heshiiskaas wada hadal kale lala galo, si heshiiska u noqdo mid lagu wada qanco.

Sidoo kale waxaa uu Xisbigu sheegay in  in heshiis siyaasadeed uusan u baahneyn in laga ansixiyo Golaha Sharci dejinta

Halkan hoose ka akhriso:-