Al-Shabaab oo weerar madaafiic ku qaaday Saldhig AMISOM ku leeyihiin duleedka Muqdisho

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in weerar hoobiyeyaal ah xalay lagu qaaday Saldhig Ciidamada AMISOM ku leeyihiin halka lagu magacaabo Arbacow oo hoos-tagta deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan dagaal socday muddo saacad ayaa dhex maray Ciidamada AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasoo markii hore ku bilowday madaafiic hoobiyeyaal ah.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen jugta madaafiicda la is weydaarsanayay, lama oga khasaaraha kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waana adag tahay in laga helo faah faahin ,maadaama goobtu ay tahay aag ciidan oo aanay u suura galeyn inay warar ka helaan saxaafadda iyo goobjoogayaasha.

Xaafada Arbacow ee degaanka Ceelasha Biyaha ayaa waxaa Saldhig weyn ku leh Ciidamo ka tirsan AMISOM, gaar ahaan Burundi, waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Ururka Al-Shabaab.