Mahdi Guuleed oo la kulmay Guddiga Gaadiidleyda Dekeda Muqdisho

Sii hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah guddiga gaadiidka xamuulka ee Dekadda Muqdisho.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen sii hayaha wasiirka gaadiidka, taliyaha booliiska iyo taliyaha nabadgelyada waddooyinka ayaa looga hadlay tayeynta gaadiidka xamuulka ka qaada dekadda.

Go’aannada lagu gaaray kulanka waxaa ugu muhiimsan in la sameeyo goobo gaadiidka lagu sii hayo inta ay dekadda ka gelayaan si looga baaqsado cariiriga badan ee ay ku hayaan wadooyinka magaalada Muqdisho.

Guddi loo saaray inay ka tala bixiyaan dhameystirka shaqada ayaa la faray inay mudda laba maalin gudahood soo dhammeystiraan hannaanka lagu wajahayo dhaqan gelinta dhamaan qodobadii la iskula gartay kulanka.