Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Ururada Siyaasadda iyo Bulshada Rayidka

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa xalay kulan la qaatay Ururada Bulshada, Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa Bulshada uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland, shaqooyinka dowliga ah ee la qabtay sida tayeynta Ciidamada, horumarinta hannaanka maaliyadda iyo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan oo meel wanaagsan maraya .

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la wadaagay aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada, Shirkii Dowladdu ka qeybgashay ee Dhuusamareeb, kaasoo looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sida Puntland u wajahday.

Waxaa kaloo uu warbixin ka siiyay howshii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug iyo safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa dhegaystay fikradaha iyo talo soo jeedinta xubnaha kulanka ka qeyb galay, dhammaantoodna waxay ka mahadceliyeen kulanka, iyagoo muujiyay sida ay dowladda ugu garab taagan yihiin marwalba arrimaha gudaha ee Puntland iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya.

Madaxda Ururada Siyaasada Puntland oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha ka dhabeynta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo caawa ay afkaartooda iyo tallooyinkooda ku soo gudbinayaan, iyagoo matalaya Ururada Siyaasadeed ee Puntland .

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnaha kulanka kasoo qeybgalay, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu boggaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada, iyo sida ay marwalbo uga qeyb qaataan marxalad kasta oo markaasi la marayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.