Sawirro: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo gaaray Garowe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Garowe, halkaasoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhoweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni, Kuxigeenkiisa Axmed Karaash, Guddoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kale.

Shir wadatashi ah oo ku saabsan xaalada siyaasadeed iyo doorashada ayaa Garowe iu dhex mari doona Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Labo cisho ka hor ayay aheyd markii War murtiyeed ay soo saareem Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ku caddeeyeen in aanay qeyb ka aheyn Heshiiskii Dhuusamareeb 3, isla markaana lagu matalin, Madaxdii ku shirtay ay soo bandhigeen aragtidooda.