Maraykanka oo duqeyn ka geystey gobolka Jubbada Dhexe

Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa ka hadlay duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey degmo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Qoraalka Africom ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay shalay oo ku beegneyd 25/8/2020 ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen deegaan ku dhow degmada Saakow Gobalka Jubbada Dhexe,isla markaana ay la beegsadeen Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab,isla markaana duqeyntaas aysan khasaaro kasoo gaarin dad rayid ah.

“Waxaan ku dilnay duqeynta sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab,waxaan aan qiimeyneynaa in duqeyntan aysan waxba ku soo gaarin dad rayid ah.”ayuu yiri ku xigeenka Agaasimaha howlgalada Ciidamada Mareykanka ee Africa Jeneraal Bradford Gering.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in xasilinta xaalada amni ee Soomaaliya kaliya lagu gaari karn qaab Millateri, balse loo baahan yahay dowladnimo adag iyo bixinta barnaamijyo dhaqaale iyo fursad siinaya dadka Soomaaliyeed.

Mareykanka ayaa todobaadyadii la soo dhaafay kordhiyey weerarada dhinaca cirka ah uu ka fuliyo Soomaaliya,isla markaana uu la beegsanayo Xarumaha Al-Shabaab iyo Daacish-ta ka Soomaaliya ee ka howlgasha deegaannada Puntland.