Akhriso: War murtiyeedka Shirka Wadatashiga Puntland iyo Jubbaland

Waxaa goor dhow war murtiyeed laga soo saaray Shir Wadatashi ah oo magaalada Garowe ku dhex maray Puntland iyo Jubbaland ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya 25-26 bisha Agosto.

Shirkan wadarashi oo ay hoggaaminayeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland Saciid C/llaahi Deni iyo Axmed Madoobe ayaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, waxaana shirka isugu jiray dhowr qeybood oo Guddi farsamo heer Wasiiro ah ay ka shirayeen qodobada ay ka wada hadlayaan.

War murtiyeedka ayaa lagu sheegay intii shirka u socday ay wada hadalo khadka taleefanka la galeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, si xal mideysan loogu heli lahaa xaalada siyaasadeed ee dalka.

Sidoo kale war murtiyeedka ayaa lagu qeexay in shir wadatashi ah la isugu imaan doono  magaalada Muqdisho si loo gaaro xal siyaasadeed oo la isku waafaqsan yahay qabsoomida doorashada 2020/2021.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka:-