Madaxweynaha Galmudug oo la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Xaashi

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) ayaa xafiiskiisa madaxtooyada ee magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Aqalka Sare imaanshaha magaalada Dhuusamareeb waxana uu warbixin ka siiyay xaalada guud ee dowlad goboleedka Galmudug.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa bogaadiyay howlaha ka socda Galmudug waxana uu si gaar ah ugu bogaadiyay Madaxweyne Qoorqoor dadaalada uu ka geystey sidii la isugu soo dhoweyn lahaa madaxda dowlada dhexe iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka qeybgalaya munaasabada furitaanka kalfadhiga Baarlamaanka Galmudug oo caawa ka dhacaysa magaalada Dhuusamareeb.