Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Shariif Xasan oo Muqdisho soo gaaray

Madaxweynihii hore ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan, ahna guddoomiye ku xigeenka madasha xisbiyada qaran ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Shariif Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo dhaweeyay senatoro, xildhibaanno, qaar ka mid ah wasiirrada sii hayeyaashaa ah.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaan weli ka hadlin ujeedka dib ugu soo laabashadiisa caasimada dalka iyadoo ay haatan arrimaha siyaasada dalka ay sii galayso waji horleh oo ku aadan doorashooyinka dalka.