Maxkamada Gobolka Banaadir oo xukuno ku ridey shaqaale u shaqeynayay dowlada 

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haysto in ay lunsadeen hanti dadweyne, kuwaas oo maanta maxkamaddu ay ku ridday xabsi muddo dheer ah iyo ganaaxyo.

Eedeysanayaasha ayaa xukunkoodu waxaa uu dabajoogaa xukunno kale oo ay dhawaan maxkamaddu ridday, waxaana sidaan oo kale usbuucii hore ay maxkamaddu ay xukunno ku riday eedeysanayaal la sheegay in ay lunsadeen xoola dadweyne.

Waxaa ay maxkamaddu maanta ku dhawaaqday in ay xukunno ku ridday eedeyasanayaasha kaal ah:
1-Maxamed Ibraahim ayaa lagu xukumay 10 sano oo Xabsi ah kadib markii lagu helay xatooyada $202,000 oo hanti dadweyne aheyd oo uu ku shubtay Qasandiisa gaarka ah.

2-Cali Shiekh Doon ayaa lagu xukumay 9 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay falka xatooyo hanti dadweyne.

3-Aweys Xassan Cumar ka tirsan waaxda Xisaabaadka ee Wasaarada Warfaafinta ayaa isn lagu Xukumay hal sano iyo bar ka dib markii lagu helay wax is daba marin hanti Dadweyne.

4-Khadar Aweys Xassan ayaa isagana Maxkamadu ku xukuntay 3 sano oo Xabsi ah.

Maxkamada gobolka Banaadir ayaa dhowaan ku xukuntay xabsiyo dhaadheer qaar ka mid ahaa shaqaale u shaqeynayay wasaarada caafimaadka dowlada federalka Soomaaliya.