Sarkaal ka tirsanaa Alshabaab oo isu dhiibay Maamulka gobolka Bay

Wararka ka imanaya gobolka Bay ee Maamulka Koofurgalbeed ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsanaa ururka Al-Shabaab uu isu dhiibay ciidamo ku sugan degmada Qansax-dheere ee gobolka Bay.

Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Xasan ayaa la sheegay in uu muddo dhowr sano ah ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, isla markaana uu ka howlgalayay tuulooyin hoostaga degmada.

Sarkaalka ka tirsanaa AlShabaab ee Ciidamada isku soo dhiibay ayaa waxaa uu watay qori AK47 iyo Booshkiisa,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku wareejin doonaan.

Is dhiibida sarkaalkan ayaa timid maalmo kadib markii weeraro xooggan ay dagaalamayaasha Alshabaab ku soo qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowlada ku lahaayeen Koofurgalbeed Soomaaliya.