Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir oo gaaray magaalada Garowe

Hoggaamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe waxaana soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Sanyare, Xildhibaan Fu’aad Abshir iyo Guddoomiyaha ururka Haweenka Mudug Shukri Cabdi Cali.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa aya waxaa ay kasoo ambabaxeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyadoo halkaasi horay uu ugala soo kulmay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maalmihii la soo dhaafay safar ku marayay deegaano ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland.