Wasiirka Ganacsiga oo guddoomiyeyay shir looga hadlayay sharciga Laysimada Ganacsiga

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Mudane Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa maanta guddoomiyey shir loogga doodayey sharciga Laysimada Ganacsiga oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku haysay Wasaaraddu sidoo kalena soo maray maraaxil kala duwan oo iskugu jira la-tashiyo laga la soo sameeyey ganacsatada, sharci-yaqaanada iyo hay’adaha dawladda.

Shirkan oo ay ka soo qeyb-galeen La-taliyeyaasha iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, ayaa ugu horreyn, waxa aad loogga ga dooday qodobo ka mid ah sharcigaasi oo muhiim ah kuwaas oo ay mas’uuliyiinta Wasaaraddu ka talo-bixiyeeen. Waxa kale oo halkaas la isku raacay in maadaama uu sharcigu dhammeystiran yahay si deg-deg ah loo saxar-tiro loona gudbiyo Golaha Wasiirada XFS si marka dambe na looggu gudbiyo Baarlamaanka Soomaaliya.

Sharcigan, ayaa ahmiyad weyn u leh ganacsiga, waxaana uu rasmi ka dhigayaa Ganacsiga iyada oo uu kor-u-qaadayo kalsoonida macaamilka. ilaalinta xuquuqda macaamilka iyo danta ganacsatada iyo macaamilkooda. Sidoo kale, wuxu ka hor-tagayaa in laga ganacsado cunto, alaab, badeeco ama daawo dhacday, halawday ama la dhalan-rogay.