Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo ku sii jeeda Muqdisho

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Muqdisho ee Casimadda Soomaaliya.
Wafdi hordhac u ah Madaxda Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa shalay gaaray caasimada dalka ee Muqdisho.

Labada mas’uul ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweyne farmaajo iyagoo kala hadli doona arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland ayaan ka qeyb galin shirkii Dhuusamareeb 3 iyagoo ka soo horjeestey dhammaan go’aamadii ka soo baxay shirkaas oo ay ka qeybgaleen madaxda maamulada Galmudug, Hirshabelle, Koofurgalbeed, gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo.

Beesha caalmka ayaa cadaadis xooggan saartay Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland si ay u yimaadaan magaalada Muqdisho, lana kulmaan Madaxweyne Farmaajo si dalka ay uga dhacdo doorasho loo wada dhanyahay.