Dowlada Federalka oo dayactir ku sameyneysa garoonka diyaaradaha Beledweyne

Sii-hayaha wasiir ku xigeenka wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada ee xukumadda federaalka Soomaaliya Xirsi Roble iyo maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa si wadijir u dhagax dhigay dhismaha cusub ee qeybta baarista garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne.

Munaasabadda oo ka dhacday gudaha garoonka waxaa goob joog ka ahaa xubno ka socday wasiiradda dowlad goboleedka Hirshabeelle Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo mas’uuliiyin kale oo kala matalayay heer gobol,Degmo iyo qeybaha bulshada.

Dhismaha qeybtaan maanta la dhagax dhigay ayaa ka mid ah baahiyaha garoonka maadaama uusan laheyn dhisme lagu baaro dadka sido kale waxaa lagu soo bandhigay shaqaalle loo tababar maamulka garoonka .

Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyneayaa 14 julay ee sanadkaan 2020 waxaa ku burburtay diyaarad laga lahaa dalka Kenya taasoo ka soo duushay dalka Jabuuti una sidey agab kala gedisan ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl-galka midowga Africa ee AMISOM.