Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid cabdullaahi Deni ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Hoggamiyaha Xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maalmahan booqasho ku jooga magaalada Garowe.

Kulanka labada mas’uul ayaa waxa ay ka wadahadleen arrimo dhowr ah oo la xariira siyaasadda dalka iyo arrimo kale.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in kulanka uu la qaatay Deni ay ka wadahadleen arrimaha siyaasada iyo doorashooyinka.

“Waxaan aniga wafdigii safarka igu wehliyey kulan la qaadanay madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid C/laahi Deni, Waxaan iska waraysanay xaaladda siyaasadeed ee dalka guud ahaan iyo gaar ahaan xilliga kala guurka ah” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir.

Kulankan ayaa imanaya maalin kahor xilli uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu gaaro Magaalada Muqdisho si uu ula kulmo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.