Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Baarlamaanka Federalka?

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maaanta lagu wadaa in ay kulan ku yeelanayaan xaruntooda Ku meel gaarka ah ee Villa Hargeysa,si ay u gudagalaan akhrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka adeegyada baaritaanka beeraha Soomaaliyeed.

Hindise sharciyeedka ayaa waxaa soo diyaarisay wasaaradda beeraha iyo waraabka ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale xilidhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wadaa inay akhrinta labaad marsiiyaan hindise sharciyeedka hay’adda socdaalka iyo Jinsayadaha .