Taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo gaaray magaalada Dhuusamareeb

Taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay xarunta maamul goboleedka Galmudug.

Wafdiga uu horkacayo taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Maxamed Aadan Koofi ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin kala socota Maamulka Galmudug.

Taliyaha ayaa ka qeyb geli doona Shirka Saddexdii bil la qabto ee looga hadlo howlaha socdaalka dalka, kaasoo ay ka qeyb galayaan dhammaan Agaasimayaasha Hey’adda Socdaalka ee dowlad goboleedyada.

Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Cornel Koofi ayaa lagu wadaa inta uu booqashada ku joogo xarunta Galmudug inuu la kulmo indheer garadka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa xarumo ka sameysay magaalooyin badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah si ay shacabka Soomaaliyeed u helaan adeegyada socdaalka ay u baahan yihiin.