Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo la kulmay Safiirka Maraykanka

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yomamoto.

Masuuliyiinta ayaa kulankooda waxa uu ahaa mid ay si gooni gooni ah ula qaadanayeen, Safiirka dalka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yomamoto.

Kulanka ayaa sidoo kale waxa uu ahaa mid uu albaabada u xiran yahay,isla markaasina ay dibad joog ka ahaayeen warbaahinta.

Waxaa la sheegay in kulanka dhex maray masuuliyiinta uu ahaa mid intiisa badan ay diirada ku saarayeen arrimaha doorashooyinka dalka.

Madaxda Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay wadahadalo yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyadoo wadahadaladan ay yihiin kuwo diirada lagu saarayo arrimaha doorashooyinka.