Sawirro: Sidee Muqdisho loogu soo dhoweeyay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho.

Waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Filish, Wasiiro, Xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Madaxweyne Saciid Deni ayaa ah kii u horreeyay uu ku yimaado Muqdisho tan iyo markii xilka Madaxweynaha loo doortay horaanti sanadkii 2019.

Axmed Madoobe ayaa isna Muqdisho yimid sanad kaddib dib u doorashadiisa, waxaana ugu dambeysay Muqdisho bishii April 2019.