Wasiirka Waxbarashada Goodax Barre oo dhagax dhigey Dugsiga Beeraha Hirshabelle

Sii hayaha Wasiirka Waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ay wehliyaan Wasiirka Waxbarashada Hirshabeelle Cabdulahi Abuukar Xuseen iyo guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa dhagax dhigay Dugsiga beeraha Balcad kaasi oo loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka dalka.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalkla Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay iskuulkaan ugu talagalay cilmiga iyo tayada wax soo saarka dalka kor loogu qaado goobtaana ay tahay meel muhiim u ah dadka soomaaliyeed.

“Dugsigaan beeraha balcad oo aan ugu talagalnay wax soo saarka gobolka looguma yeeri karo magac kale waxaana dowladda Soomaaliyeed ka go’an xoojinta wax soo saarka dalka”ayuu yiri wasiir goodax.

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabeelle Cabdulaahi Abuukar xuseen ayaa sheegay inay dugsigaan ay ka faa’ideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed waxaana uu uga mahadceliyay sida dowladda dhexe ay uga go’antahay kor u qaadista wax soo saarta dalka.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay in dusgigaan uu waxbadan kusoo kordhindoono wax soo saarka isla markaana ay uga faa’ideysan doonaan.

Waa dugsigii ugu horeeyay oo nuucaan ah ee laga hirgaliyo degmada Balcad ee gobolka shabeellaha Dhexe waxaana mashruucaan fulinayo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub.