Cumar Filish oo shaaciyay sababta uu u fulin waayay balanqaadkii furista waddooyinka

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo xalay ka hadlayay Munaasabad lagu xusayay sanad-guuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii uu xilka la wareegay ayaa sheegay inay jirana waxyaabo uu balan-qaaday oo aanu fulin caqabado jiray darteed.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in sidii ay rabeen inay wax u qabtana aanay u suura gelin, isla markaana ay jireen caqabado ka hor-istaagay ahdaaftii ay hiigsanayeen xaqiijinteeda.

“Waxqabad nooma wada suura gelin, balse waa bilownay waxyaabo badan muhiim ah oo aanan qaban ayaa jira oo ka mid ah caqabado amni iyo mid siyaasadeed, waxyaabihii aan rabnay inaan qabano waan ka gaabiyay duruufaha jiro darteed, niyad ahaan ma ilowin baalan-qaadkii bulshada horteeda aan ka bixiyay, habeenka aan xilka la wareegayay waxay bulshada aad u daneyneysay dhagxaanta magaalada iyo waddooyinka lagu xiray in la qaado arrintaas waxay ka mid tahay qodobada nagu taagan oo aan noo suura gelin, ujeedada waxay aheyd magaalo is gudubkeeda uu sahlan yahay oo gees ka gees aamin ah inaan ku shaqeyno, balse arrintaas waa inoo suura geli weyday, culeysyada cadawga uu noo dhigay waddooyinkii aan ku shaqeyn laheyn darteed”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in marka hore dhagaxa la qaado lagu bedelay in goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab la weeraro, si looga saaro cadawga goobihii ay ka soo duulaan tagi jireen sida uu yiri

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay qaadeen tallaabooyin amni oo Al-Shabaab ka dhan ahaa, lagana xorreeyay goobo ay ku sugnaayeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, goobi