Madaxweynaha Galmudug oo si weyn loogu soo dhoweeyay Jabuuti

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo Axmed Qoorqoor ayaa galabta gaaray magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasoo si diiran loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku wehliya Wasiiro ka tirsan Maamulkiisa iyo La Taliyeyaal, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti, Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Galmudug ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Mas’uuliyiin kale.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Galmudug uu weydiisto dowladda Jabuuti taageero ku saabsan dhismaha Dekeda Hobyo oo maamulkiisa dhowaan shaaciyay in lagu dhisayo lacag gaaraysa 90 Milyan oo dollar.