Saciid Deni oo Muqdisho kula shirsan Xasan Sheekh iyo qaar ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa xilligan shir la leh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Guddoomiyaha Xisbiga UPD iyo qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka.

Kulankan oo ka socda Hoyga Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah kulamo uu Madaxweynaha Puntland Saciid Deni la yeelanayo siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ah Guddoomiyaha Xisbiga Horusocod Shariif Xasan, Guddoomiyaha Xisbiga Himilo Suleymaan Xuubsireed iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur.

Wararka ayaa sheegaya in kulankan hordhac u yahay kulanka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland la yeelanayaan Madaxweyne Farmaajo, si tallooyinka ay ka dhageystaan Madaxdii hore iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ula tagaan Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa xalay kulankii u horreeyay la qaatay Madaxweyne Farmaajo, kaasoo ahaa kulan casho ah oo Madaxweynuhu ku casuumay Xarunta Madaxtooyada.

Shirka Madaxweyne Farmaajo iyo Labada Madaxweyne Dowlad Goboleed ayaa caawa bilaabanaya, iyadoo ka horna ay Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe arki doonaan Siyaasiyiinta, Xildhibaannada iyo qeybaha kala duwna ee bulshada.