Wararkii u dambeeyay kulanka gaarka ah Madaxweyne Farmaajo, Saciid Deni iyo Axmed Madoobe

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Puntland Saciid Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta yeelanaya kulan gaar ah, kaddib markii shalay soo gaareen labadan Madaxweyne Dowlad Goboleed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay casho sharaf ugu sameeyay Madaxtooyada Villa Somalia Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, iyadoo kulankooda cashada uu hordhac u ahaa kulanka maanta.

Kulanka maanta ayaa la filayaa in looga hadlo arrimaha la xiriira mad madowga siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Labadan Madaxweyne Dowlad Goboleed, isla markaana loo xalliyo tabashooyinka ay kala qabaan.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay ka wada hadlaan arrinta la xiriirta sidii xal siyaasadeed looga gaari lahaa hannaanka doorashada, maadaama heshiiskii Dhuusamareeb 3 aysan qeyb ka aheyn Puntland iyo Jubbaland.

Wada hadalada labada dhinac ayaa socon doona labo maalin sida qorshuhu yahay, iyadoo Maamulada Jubbaland iyo Puntland ay wataan qodobo u gaar ah oo ay ula tagayaan Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay si heer sare ah loogu soo dhoweeyay Muqdisho ayaa kulan wadajir ah waxay garoonka diyaaradaha kula qaateen Wakiilada Beesha caalamka, sida Safiirka Mareykanka, Safiirka UK iyo Diblomaasiyiin kale.

Beesha caalamka ayaa si dhow ula socon doona kulamadan iyo natiijooyinka ka soo baxa, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto uu damaanad qaade ka yahay heshiiska ay gaari doonaan.