Boorame: Bam Gacmeed lagu weeraray Xarun ay leedahay Wasaaradda Maaliyadda

Wararka ka imaanaya magaalada Boorame ee Gobolka Awdal ayaa sheegaya in xalay weerar bambaano lagu qaaday xafiis Wasaaradda Maaliyadda ku laheyd magaaladaas.

Sida wararku sheegayaan weerarka bambaano ayaa waxaa ku dhaawacmay mid ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda ee ku sugnaa, waxaana qeyb ka mid ah darbiga kore ee dhismaha Wasaaradda soo gaaray burbur.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa sameeyay baaritaano la xiriira cida bam gacmeedka ku soo tuurtay xarunta wasaaradda, waxaana howlgallo ka sameeyeen nawaaxiga xarunta wasaaradda maaliyadda ku taalo.

Degaannada Soomaaliland ayaa waxaa uu kamid yahay meelaha ugu amniga wanaagsan Soomaaliya, waxaana looga baran inay ka dhacaan weeraro bambaano oo inta badan ka dhaca Gobolada kale ee dalka Soomaaliya.