Guddoomiye deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan oo lagu diley Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maqribnimadii caawa lagu diley Guddoomiyihii deegaanka Hees Gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha la dilay oo lagu magaacaabi jiray Cabdullaahi bilig Bilig ayaa sidoo kale ahaa ciidamo macawisley ah oo ka dhisan deegaankaas.

Falka dilka kadib ayaa la sheegay in ciidamo ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta uu dilka ka dhacay iyo kooxdii weerarka ka dambeysay ay is rasaaseyn dhex martay waxaana la sheegay in mid kamid ah kooxda dilka geysatay la diley halka saddex askarina ay dhaawacmeen.

Ma jiro wax war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka Gobolka Hiiraan hase yeeshee mid ka mid ah saraakisha ciidamada Booliska gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ku raadjoogaan raggii ka qeybqaatay dilka guddoomiyihii deegaanka Hees.