Maraykanka oo cunaqabatayn ku soo rogay saraakiil ka tirsan Maxkamada ICC

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay cunaqabateyn kusoo rogtay saraakiil sar sare oo ka tirsan maxkamadda dambiyada dagaalka caalamiga ah ee ICC, kuwaasoo ay ku jirto dacwad oogaha guud ee maxkamaddaas, Fatou Bensouda.

Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa maxkamadda ku eedeeyay inay si sharci darro ah isugu dayeyso inay u maxkamadeyso muwaadiniin Mareykan ah.

ICC, oo uu fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa hadda baadhitaan ku wadda arrimo la xidhiidha in ciidamada Mareykanka ay dambiyo dagaal ka geysteen gudaha dalka Afghanistan.

Xukuumadda Washington ayaase maxkamaddan dhaliilayay in tan iyo markii la aasaasay ay, wuxuuna ka mid yahay dhowr iyo toban waddan oo aan saxiixin heshiiskii caalamiga ahaa ee lagu hirgaliyay maxkamaddan.

Qaramada Midoobay ayaa maxkamadda ICC abuurtay sanadkii 2002-dii, waxaana tan iyo markaas ay caddaaladda horgeysay dad badan oo mas’uul ka ahaa xasuuqyo, tacaddiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal.

Waxay ICC-du faragalin sameysaa marka ay waddamadu awood u yeelan waayaan ama diidaan maxkamadeynta dadka lagu eedeynayo dambiyada dagaalka.