Maxkamada Puntland oo sii deysay lix nin oo loo haystay fal kufsi iyo dil ah

Maxkamadda Gobolka Nugaal ee Puntaland ayaa xabsiga ka sii deysay lix nin oo ka mid ahaa 7 ruux oo loogu eedeeyay inay kufsi iyo dil geysteen.

Raggaan oo muddo kabadan sanad ku xirnaa magaalada Garowe ayaa loo haystay heystay fal kufsi iyo dil ah oo 10-kii April ee sanadkii 2019 ka dhacay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Haweeneyda falka kufsiga iyo dilka loo geystay ayaa lagu magacaabi jirey Hodan Axmed Maxamed Shanleyste.

Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1aaad ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegeen in raggaan wax dambi ah lagu waayay, kadib markii baaritaanno kala duwan lagu sameeyay oo loo adeegsaday Shaybaarka dambiyada DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab.

Maxkamadda Darajada 1aaad ee Gobolka Nugaal ayaa dhaarisay lixda Nin ee la siidaayay, halka midka todobaad ay garsoorasyaasha Maxkamadda sheegeen in uu kala hadlay,isla markaana baaritaano kale la marsiin doono.

Ehellada Marxuumad Hodan Axmed Maxamed Shanleyste ayaa kasoo horjeestay go’aanka maxkamada,waxaana ay sheegeen in kiiskaan ay dayaceen laamaha amniga iyo garsoorayaasha Maxkamadda, isla markaana ay si fudud ku sii daayeen.

Maxkamad ku taal Puntland ayaa hore xukun dil ah ku fulisay labo dhalinyaro ah oo lagu helay dambi ah inay fal kufsi iyo dil ah u geysteen gabar lagu magacaabi jirey Caa’isho Ilyaas.