Muuse Suudi;”Waxaan aragnaa heshiis Hawiye aan ka qeyb ka ahayn inuu socdo.”

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah senatarada Aqalka Sare ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ka socdo kulan aysan qeyb ka ahayn beesha Hawiye.

Muuse Suudi oo aan si toos ah u magacaabin cidda heshiiska uu u socdo ayaa hadaladii uu ka yiri kulanka maanta uu la yeeshey Madaxweynaha Puntland Golaha joogtada ah ee Aqalka Sare waxaa ka mid ahaa;

”Waxaan aragnaa heshiis ciddaan hawiye ah qeyb ka ahayn inu meesha ka socdo mana ugu daraaneyno qof, farmaajo ayaa sameynaayo farmaajana dalkaan wanaag kama lahan, gobolada kalana kama rabyo laakiin isaga kaligii waaye,”ayuu yiri Senatar Muuse Suudi.

Sidoo kale Senatar Muuse Suudi oo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka ayaa soo jeediyay talo ah in si degdeg ah loo qabto doorasho.

“Waxaan codsanaynaa labo arrin mid inla yeelo, in doorashada hada la qabto oo aan waqtigeeda la sugin ama in xukuumada la dhamaystiro oo howsha la galo, intaas ayaan codsaneynaa haddii aysan saas ahayna takrifalkii nagu takrifalayay ayuu nagu hayaa adinka waxba idin ma haysanee ee sidaas ogaada”ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Hadalkan Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho la qorsheynayo in wadahadal ay ku yeeshaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.