Xubin ka qeyb galay weerarkii Ceel Cadde oo isku dhiibay Kenya

Mid ka mid ah Dagaalyahanadii Al-Shabaab ee ka qeyb galay weerarkii Xerada Ceel Cadde ee Gobolka Gedo lagu qaaday sanadkii 2016 ayaa isku dhiibay Booliska Kenya.

Sida ay qoreen warbaahinta Kenya ninkan oo lagu magacaabo Khaliif Cabdinuur Maxamed ayaa isku dhiibay Booliska Ismaamulka Mandhera, isagoo ku hubeysnaa qori AK47 iyo rasaas.

Ninkan ayaa qirtay inuu ka qeyb qaatay weerarkii Ceel cadde oo khasaarihii ugu xoogganaa ka soo gaaray Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Qaar ka mid ah warbaahinta Kenya ayaa sheegay in Khaliif uu Al-Shabaab ka soo goostay 30-kii bishii Agosto, lana soo xiriiray Ciidamada Kenya ka hor inta aanu isa soo dhiibin.

Saraakiisha Kenya ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan ninkan.