Ciidanka dowladda oo iska difaacay weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen duleedka Afgooye

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in Ciidanka xoogga dalka ay iska difaaceen weerar Al-Shabaab ku soo qaadeen fariisimo ay ku lahaayeen tuulooyinka Sabiid iyo Caanoole ee ka tirsan degmada Afgooye.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa muddo qaatay, iyadoo ciidanka dowladda ay u suura gashay inay dib u caabiyaan dagaalamayaashii Al-Shabaab ee soo weeraray.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidanka dowladda ay ka war hayeen weerarka Al-Shabaab ku soo qaadi rabeen oo ay xogtiisa sii hayeen, taasna ay keentay inay iska difaacaan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah maleeshiyaadkii soo weeraray.

Ciidanka xoogga dalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay horumar ka sameynayay howlgalada ka socday Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo la wareegay deegaano dhowr ah.