Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wasiiro ka soo jeeda Puntland

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay xubnaha Puntland ku metala Goleyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa Madaxweynaha Puntland ayaa uga warbixiyay xubnaha uu la kulmay xaalada guud ee Maamulka Puntland, gaar ahaan marxaladda doorashada ee dalku marayo iyo dadaalka Puntland ugu jirto inay qabsoomto Doorasho la isla ogolyahay oo wakhtigeeda dhacda.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu la kulmay Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kamid ah, Siihayaha Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada, wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka Badda DFS, Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Xubno kale.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland jaamac Yuusuf Dabaraani ayaa Warbaahinta u sharaxay waxyaabaha ugu muhiimsanaa kulanka oo ay ka wad hadleen Madaxweyne Deni iyo Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha dowlad goboleeda Puntland Saciid Deni oo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa la kulmay senatarada Aqalka Sare isagoo sidoo kale kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka.