Al-Shabaab oo dil toogasho ku fuliyay 4 ruux oo lagu eedeeyay basaasnimo

Ururka Al Shabaab ayaa meel fagaare ah oo ku taal degmada Saakow dil toogasho ah ku fuliyay afar nin oo lagu eedeeyay basaasnimo.

Dadweyne badan ayaa ku sugnaa fagaaraha afartan nin lagu tooganayay , waxaa sidoo kale goobta toogashada ka dhacday ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano katirsan kooxda Al Shabaab.

Afarta ruux ee lagu fuliyay xukunta toogashada ah ayaa kala ahaa

1- Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 jir ah oo lagu eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka iyo Qaramada Midoobay.

2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa oo lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay Sirdoonka Dowlada federaalka Soomaaliya

3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi, oo 33 jir ahaa oo lagu eedeeyay in basaas u ahaa sirdoonka Dowlada Soomaaliya.

4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) oo lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay sirdoonka dowlada Kenya, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in uu ka howlgali jiray Waqooyi Galbeed Soomaaliya.