Kooxo hubeysan oo dil iyo dhaawac ka geystay duleedka Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya deegaanka Mareergur oo hoostaga degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay ka geysteen weerar sababay dhimasho iyo dhaawac.

Sida wararku sheegayaan kooxda hubeysan ayaa la sheegay inay wadatay gaari yar, waxaana ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa goob maqaaxi ah.

Hal qof ayaa ku geeriyooday, halka lix kalena ay ku dhaawacantay, waxaana dadkaas dhaawacooda la geeyay Isbitaal ku yaalla magaalada Dhuusamareeb.

Shaqaaqada ka dhacday deegaanka Mareergur ayaa la sheegay inay daba socoto oday lagu dilay deegaanka Qalaan-qalle oo waqooyi galbeed uga beegan deegaanka Mareergur.

Deegaanka ayaa ka jirta xiisad u dhaxeysa labo beelood ka soo kala jeeda Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana odayaasha deegaanka ugu baaqeen Maamulka Galmudug inay si degdeg ah u soo kala dhex galaan maleeshiyada qarka u saaran inay dagaalamaan.