Madaxweynaha Puntland oo dhoolatus siyaasadeed ka bilaabay Muqdisho

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa tan iyo markii uu yimid Muqdisho Talaadadii la soo dhaafay waxaa uu bilaabay dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed oo aan horay loo arag.

Madaxweyne Deni ayaa kulamo la qaatay Xisbiyada Siyaasadda, Xildhibaannada labada Gole, Guddoonka Aqalka Sare, Ururada Bulshada Rayidka iyo Madax horay xilal kala duwan u soo qabatay.

Kulamadan ayaa ahaa kuwo looga hadlayay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, maareynta marxalada kala guurka iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho la isku raacsan yahay.

Saciid Deni ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi, waxaana ay ka wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, sidoo kale waxaa uu la kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenadii hore ee Soomaaliya Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Ridwaan Xirsi.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Madaxweyne Deni uu khudbad ka jeediyay Shirka Guddiyada Joogtada Aqalka Sare, waxaana kulankaas uu kaga hadlay marxalada uu dalka marayo, arrinta doorashada.

Marka loo eego dhaq dhaqaaqyada uu wado Madaxweyne Saciid Deni waxay miisaan siyaasadeed u yeeleysaa kaalinta Puntland ka ciyaareyso xalka siyaasadeed ee dalka.