Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay Wasiiro iyo Taliyeyaasha Ciidamada Jabuuti

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigiisa maalmahan ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Wasiirada Wasaaradaha Amniga, Arrimaha gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalka Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray amniga iyo sidii ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISIOM ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa kulankan looga hadlay sidii Jabuuti ay sii xoojiso taageerada ay siiso Galmudug.

Ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhig ku leh magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan garoonka diyaaradaha magaalada.

Galmudug ayaa qorsheyneysa inay howlgallo ka bilowdo deegaanada Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.