Qarax ka dhacay wadada Maka Al Mukaramma ee magaalada Muqdisho

Qarax ayaa goor dhaw ka dhacay wadada Maka Al Mukarama meel ku dhow isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho oo ka mid ah saldhigyada laga ilaaliyo Madaxtooyada dalka ee magaalada Muqdisho.

Dhowaaqa qaraxan oo meelo badan oo Muqdisho ka mid ah ayaa ka dhashay miino la sheegay in lagu soo qariyay jawaan la dhigey waddo dhinaceeda.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan ay ku dhaawacmeen labo ruux oo rayid ah kuwaasoo marayay meel aan ka fogeyn goobta uu qaraxu ka dhacay.

Miinooyinka la dhigo wadooyinka  dhinacooda ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho iyadoo miinooyinkaana ay badankood yihiin kuwa laga qarxiyo goobo fogfog.

Hase yeeshee miinooyinka la dhigo wadooyinka ayaa waxaa ay waxyeelo ka soo gaartaa dadka rayidka ah iyadoo mararka qaarkoodna ay wax ku noqdaan ciidamo.