Axmed Madoobe oo xalay la kulmay Guddoomiye Muudey iyo kulan uu la qaadanayo Aqalka Sare

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan la qaatay Guddoomiye Kuxigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka C/weli Ibraahim Muudey.

Kulankan oo ka dhacay hoyga uu Axmed Madoobe ka degan yahay nawaaxiga Madaxtooyada ayaa labada dhinac waxay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka.

Labada dhinac ayaa waxay sidoo kale ka wada hadleen sidii doorashada ay waqtigeeda ugu dhici laheyd.

Guddoonka Golaha Shacabka, gaar ahaan Guddoomiye Maxamed Mursal iyo C/weli Muudey ayaa maalmihii la soo dhaafay ka maqnaa saaxada siyaasadda, iyagoo aan qeyb ka aheyn kulamada looga arrinsanayay arrimaha doorashooyinka.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa maanta la kulmi doona Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiga Joogtada, isagoo khudbad u jeedin doona, waxaana la filayaa in Senatada Aqalka Sare su’aallo weydiiyaan.

Axmed Madoobe ayaa tan iyo markii uu yimid Muqdisho Talaadadii dhaq dhaqaaqiisa ahaa mid xadidnaa, isagoo hoyga uu ka degay nawaaxiga Madaxtooyada ka waday kulamo gaar gaar ah.