Al-Shabaab oo sheegatay in Askar Mareykan ku dishay weerar is qarxin ah ka dhacay duleedka Kismaayo

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaay Cabdalla ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ka fulisay qarax ismiidaamin ah oo ay la beegsatay Saldhig Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland ku leeyihiin deegaankaas.

Sida wararku sheegayaan gaariga waxyaabaha qarca laga soo buuxiyay ayaa xoog ku soo jiiray bar koontaroolo ciidanka lahaayeen, waxaana uu ku qarxay afaafka hore ee xerada.

Wararka ayaa sheegaya in Askar Mareykan ah oo la socday Ciidanka Danab waxyeelo ka soo gaartay, waxaana war ka soo baxay Al-Shabaab lagu sheegay inay ku dileen Askari Mareykan ah.

Gaariga qaraxa fuliyay ayaa la sheegay inuu ahaa kuwa aan xabada karin oo Al-Shabaab ka soo buuxiyeen waxyaabaha qarxa, iyadoo intii la rasaaseeynayay uu soo jiiray Ciidamada illaa afaafka hore ee Xerada uu isku qarxiyay.

Illaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Africom, waxaana warar laga helayo dhanka Jubbaland ay sheegayaan in hal askari Mareykan ah dhaawac culus soo gaaray, halka 3 kale oo ka tirsan Ciidanka Danab ku geeriyoodaan.