Ciidanka Kumaandooska oo burburiyay gawaari Al-Shabaab qaraxyo ku soo rareen

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa saldhigyo ka sameystay deegaanka Janaay Cabdalla oo 60KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo.

Sida wararku sheegayaan Ciidamada oo maalmo ka hor kala wareegay deegaankaas ayaa ka hortagay weeraro Al-Shabaab ku soo qaadi rabeen saldhigga Ciidamada.

Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka ayaa burburiyay labo gaari oo Al-Shabaab ku soo rareen waxyaabaha qarxa, si ay ugu weerareen saldhigga Ciidanka.

Mid ka mid ah gaariga oo ahaa nuuca Zuzuki ayaa lagu burburiyay duleedka deegaanka, halka gaari kale oo Hoomey ahaa ay ciidanka burburiyeen.

Deegaanka Janaay cabdalla ayaa ah deegaan istiraatiiji ah oo marin u ah Gobolada Koofureed illaa Xuduudka Kenya, waxaana Al-Shabaab ka soo gala dhaqaale fara badan oo ay ka qaadaan gaadiidka.