Dallada Waxbarashada SAFE oo baaq culus ka soo saartay Natiijada Imtixaanka Dowlada

Dallada Waxbarashada Ahliga ah ee SAFE ayaa War Saxaafadeed ka soo saartay natiijada Natiijada Imtixaanaadka Qaranka ee shalay 06 Sebtember, 2020 lagu dhawaaqay laguna sheegay in ay hartay ardey gaareysa 7,873 ardey ee dugsiyada gobolka Banaadir ku tilmaantay inuu yahay mas’uuliyad daro weyn ay ku dhaqaaqeen sii haayaha Wasiirka Waxbarashada iyo howlwadeenadiisa ee Agaasinka Wasaaradda iyo Xafiiska imtixaanaadka.

War Saxaafadeedka ayaa lagu xusay in in muddo saddex bilood kabadan aysan ardayda gobolka Banaadir waxbarasho helin sababo la xiriira cudurka COVID-19.

Ugu dambeyntii dallada waxbarashada SAFE ayaa ugu baaqday Madaxweynaha iyo Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka In lagala xisaabtamo Howlwadeenada wasaaradda mus’uuliyad daro wadareedka ay ku dhaqaaqeen ayna ku waayaan xilkooda iyo In mustaqbalka Dugsiyada iyo Ardeyda gobolka Banaadir aan gacanta loo gelin dad aan qaadi Karin mas’uuliyadaas.

Halkan hoose ka aqriso War Saxaafadeedka Dalada SAFE

war saxaafadeed