Kulan loogaga hadlayay Maamul Daadajinta Dowladaha Hoose oo Beledweyne lagu qabtay

Kulan loogaga hadlayo maamul daadejinta oo soconaya muddo afar cisho ayaa si rasmi ah looga furay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Furitaankii kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan Duqa magaalada Beledweyne Nadar Tabaax Maalin,mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle.

Kulankan ayaa waxaa ka warbixiyay ujeedkiisa agaasimaha guud ee dowladaha hoose wasaaradda arrimaha gudaha HirShabelle waxana uu xusay in kulankan uu yahay mid lagu tababarayo shaqaalaha Dowladaha Hoose sidii loo daadejin lahaa maamulka.

Duqa magaalada beledweyne Nadar Tabaax oo ka hadashay kulankan ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso tababarkan ay wasaarada arrimaha gudaha soo abaabushay.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cali Jeyte oo ka hadlay kulankan ayaa u ballanqaaday shaqaalaha dowladaha hoose in cidii ka soo dhalaasha howlaheeda ay abaalmarin heli doonto,waxana uu u mahadceliyay Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabelle iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka.